DENGUE FEVER




Dengue fever waa mid kamid ah jirrooyinka qandhoo-leyda (xanuunada caanka ku ah qandhada) waxaana keena ilma-aragtay virus ah oo loo yaqaano Dengue Virus oo usii kala baxa illaa shan nooc oo kala duwan oo kala ah: DENV-1, DENV-2, DENV-3, DENV-4 iyo waliba DENV-5.

Waxa uuna ku kala gudbaa in kaneecada nooceeda loo yaqaan Aedes Aegypti Mosquito ay qaniinto qof qaba xanuunka Dengue fever-ka iyadoo kaneecadaasi ay soo qaadayso dhiig wasaqaysan oo xambaarsan feyraska keenaaya xanuunkaan deedna marka ay qaniinto qofka xiga ay kushubayso feyraskaas.

Mararka qaar waxaa dhacda in hooyada uurka lihi ay xanuunkaan u gudbiso cunugeeda xiliga uurka amaba dhalmada waloow ay aad u yartahay fursada uu kudhaco qaab-gudbiskaani hadana waa mid dhici kara.



Calaamadaha xanuunkaan waxaa kamid ah:

  • Qofka oo yeesho qandho daran oo dhaafsiisan heer qandheed gaaraya 39 degree celcuis, waana calaamadda u horeysa ee uu yeelanaayo qofka qaada xanuunka Dengue fever ka, waxa ayna qandhadaani jiri kartaa 2 illaa 7 bari, hadii ay intaasi dhaaftana waxaaba loo aqoonsadaa in xanuunku uu heer khatar ah gaarsiisan yahay qofkana ay tahay in uu isbitaalka dagdag kubooqdo.


  • Madax xanuun daran oo joogta ah kuna fidsan illaa indhaha iyada oo qofka bukaanka ahi uu dareemo in indhaha gadaashoodu ay xanuunayso.
  • Murqaha iyo kala-gooysyada jirka oo bukaanka xanuuna.
  • Daal xad dhaaf ah oo uu qofku dareemo iyadoo aysan jirin sabab daalka heerkaas ah u keeni karta.
  • Firiric gudguduudan oo jirka kasoo yaaca, lalabo, matag iyo waliba abateedka qofka oo yaraada.

Bukaanada qaar ayaa kuyimaada heerka khatarta ah ee xanuunkaan iyagoo yeesha calool xanuun, matag joogto ah, shuban, cadaadiska dhiigga oo yaraada, dawakhsanaan, kaadida oo yaraata midabkeeduna isbadalo, wadne iyo beer xanuun iyo waliba dhiig ka imaada sanka, indhaha amaba ciridka iyagoo markaas u baahda in lagula tacaalo qaybta bukaan jiifka isbitaalka.

Ilmaha yaryar iyo ciyaalka xoogaa wayn iyaga calaamadahaan badi laguma arko oo waxa ay la yimaadaan qandho xad-dhaaf ah, oohin badan iyo waliba abateedka oo ka xirma markaasna uu cunugu caanaha amaba cuntada diido, hadaba waxaa haboon ilmaha in durba la geeyo goob caafimaad si loo baaro xaaladooda loona xajiiyo xanuunka haayo maadaama calaamadahaani ay ka imaan karaan xanuuno badan oo kala duwan.


Hadaba sidee ayaa loo xaqiijin karaa xanuunka Dengue fever-ka?

Si loo xaqiijiyo jiritaanka xanuunkaan waa in bukaanku uu leeyahay calaamadaha aan kor kusoo sheegnay markaas kadibna laga qaadaa bukaanka dhiig iyadoo laga baarayo virus-ka ladhaho Dengue virus oo ah ilma-aragtayda keena xanuunka Dengue fever-ka sidaa darteed bukaanka isku arka calaamadahaas iskagana shakisan xanuunkaan  waa in uu booqdaa xarun caafimaad oo laga heli karo shaybaarka lagu baaro xanuunkaan.

Hadii baaritaanka dhiigga uu sheego in uu jiro xanuunka Dengue fever-ka mararka qaar waxaa dhacda in dhakhtarku uu ubaahdo baaritaano dheeri ah sida baaritaanka Dhiigagga Kalyaha, Beerka, kombiyuutar wadnaha ah iyo waliba Raajo xabadka ah si loo hubiyo heerka ay gaarsiisantahay khatarta xanuunkaan iyo waliba baaritaano kale iyada oo laga tixraacaayo markasta xaaladda bukaanku kujiro.


Waa maxay dawadiisu?

Badi dadka xanuunkaani uu kudhaco waxa ay durba ka jawaabaan dawooyinka caawimaadda ah ee la siiyo sida qandhojabinta, xanuun baabi’iyaha iyo matag joojinta iyadoo intaas loogu daraayo in bukaannadu ay sameeyaan nasiino fiican, cabaan biyo badan iyo inay cunaan cunto kufilan oo fudud jirkana dhakhso uu dheefshiidi karo iyagoo ku dadaalaya cunista cunnooyinka qaniga ku ah borotiinka, feetamiinka iyo waliba Iron-ta oo ah maadada dhiigga laga sameeyo waayo waxay kaa caawinayaan in difaaca jirkaadu awood uyeesho iska dhicinta xanuunkaan iyo waliba kahortaga dhiig la’aanta maadama dadka qaar uu ku keeni karo dhiig bax, sidoo kalana ay ku dadaalaan inay yareeyaan cunista cuntooyinka shiilan iyo isticmaalka sokorta faraha badan.

Bukaanada qaar ee gala xaaladda khatarta ah ee xanuunkaan ayaa u baahda in lajiifiyo goobaha caafimaadka si loola tacaalo iyagoo ubaahda la tacaalid dheeraad ah lana siiyo xanuun baabi’iyaal iyo qandho-jabiyeyaal ka awood badan kuwii hore, bukaanada qaarna ay ubaahdaan fuuqcelin dagdag ah halka qaar dhiig bax kuyimaadana ayba gaaraan heer dhiig kushibis ah.


Waa maxay caqabadaha ama khatarta ka imaata xanuunkaan marka uu isku badallo heerkiisa khatarta ah?

Xanuunka Dengue fever-ka waxaa dhacda in uu mararka qaar gaaro heer khatar ah kadib marka uu waxyeelo u gaysto badi xubnaha jirka bini-aadamka u muhiimsan taas oo sababta in shaqada jirka uu ku yimaado khalkhal, saamayntaas uu jirka ugaystana waxaa kamid ah:

  • In uu noqdo mid wata dhiig bax: maadaama uu Feyraskaani weerar ku qaado unugyada qaabilsan xinjiroowga dhiigga deedna uu burburiyo ayaa waxaana kadhasha in qofku uu dhiig ka keeno daloolada sanka, indhaha, dhagta amaba ciridka taas oo keeni karta dhimasho hadii aana si dagdag ah isbitaal lagu gaarsiin bukaansaan loolana tacaalin.
  • Fuuq bax daran: mararka qaar bukaannada yeesha matagga joogtada ah iyo shubanka ayaa waxay khatar ugu jiraan inay galaan xaalad fuuq bax daran ah iyadoo sidaan horay usoo sheegnay uu qofku uga baaqsan karo inuu cabo biyo badan, hadii uu shubanka iyo matagu bataanna uu samaysto biyo 1 litre ah oo lagu daraayo hal qaaddo oo cusbo ah iyo 3 qaaddo oo sokor ah.
  • Beerka: waxaa dhacda in xanuunkaani uu beerka gaaro deedna uu ku sababo caabuq dagdag ah taas oo keenaysa in shaqadii beerka ay hoos u dhacdo hadii aana dagdag wax looga qabanna keenta in beerka ay soo gaarto waxyeelo mahadho ah.
  • Neerbayaasha: xanuunkaani heerkiisa khatarta ahi waxa uu waxyeelo u gaystaa maskaxda, xangullaha iyo waliba xargaha neerbaha asagoo kusababay caabuq daran oo keeni kara qofkii in ay kasoo muuqdaan calaamadihii neerbaha.
  • Wadnaha: dengue fever waxa uu sidoo kale waxyeelo u gaystaa muruqa iyo xuubabka wadnaha taas oo keenta in bukaankii uu yeesho wadne xanuun, naqaska oo qabta, wareer, tabaryari iyo cagaha oo barara. Xaaladaan ayaa u baahan wax kaqabasho dagdag ah si bukaanku uusan u galin khatar dhimasho keeni karta.

Xanuunkani noociisa khatarta ahi waxa uu waxyeelo u gaystaa jirka oo dhan, marka laga yimaado xubnaha kore ee aanu xusnay qaybaha kale ee uu xanuunkaani saameeyo waxyeeladdana u gaysto waxaa kamid ah Kalyaha, Ganaca iyo waliba Murqaha.


Sidee ayaad iskaga ilaalin kartaa xanuunkaan?

Kahortaga xanuunkaan ayaa ah in aad yareeyso fursadda ay kaneecada xambaarsan xanuunkaani kugu qaniini lahayd si ay u gudbiso xanuunkaas, waxa aadna ku yarayn kartaa adiga oo qaadaaya tilaabooyinkaan hoose:



  • In aad gurigaada buufiso adiga oo isticmaalaaya waxyaabaha lagu dilo kaneecada iyo cayayaanka yaryar.
  • In gurigaada albaabadiisa iyo daaqadihiisa aad ku dadaasho inaysan marwalba iska furnaan, adiga oo daaqadaha ku xiraaya shabaq ka ilaalinaaya kaneecada dibadda kasoo xaroonaysa.
  • In aad xirato maro kaneeco xiliga hurdada.
  • In aad kuseexato maryo daboolaaya jirkaada xiratana iskaalshooyin.

Talaabooyinkaan kore oo dhan waxa ay yareeynayaan kaneecada fursadda ay xanuunka ku gudbin karto, balse waxaa soo raaca in aad booqato dhakhtarka kuugu dhaw hadiiba aad iska dareento calaamadaha xanuunkaan si aad uga hortagtid xanuunka heerkiisa daran oo dilaaga ah.



Mahadsanidiin

Dr. Muse Ahmed Ali

Post a Comment

Previous Post Next Post

Contact Form