Ma diin baa in loo seexdo midigta? Waajib mise Sunne?
Dambi miyaa hadii aan u seexdo dhanka bidixda?
Caafimaad ahaan kee wanaagsan in loo seexdo midigta mise bidixda?
Adigu, dhankee jeceshahay ood useexataa kuna dareentaa nafis?
Qormadaan kooban waxaan bartayda Facebook ku daabacay muddo 3 sano kahor ah markaas oo ay dood badan dhalisay, maanta ayaan misana arkay isla warbixintii aan qormada kaqoray oo dib loo daabacay, ila aqri deedna su’aalaha kore jawaabahooda intii fikirkaada ah faallo ahaan iigu reeb.
Dhakhaatiirta caafimaadka iyaga oo daliishanaayo qaabka ay u samaysantahay caloosha bini aadamka, dhanka ay ubadan tahay iyo waliba qaabka uu hungurigu ugu xiriirsanyahay caloosha, ayaa waxa ay qabaan In qofka hadii uu seexdo dhanka midig uu khatar ugu jiro in uu ku dhaco waxa looyaqaano Laabjeex/Gastroesophageal Reflux Disease (GERD), maadaama ay sahlantahay in ay dib usoo noqdaan calooshiisa wixii kujiray ee cunto iyo aaysiidhba lahaa, kuwaasoo sabab u ah laabjeexa.
Hadaba waxay doorbidaan kulana taliyaan dadka in ay wanaagsantahay in loo seexdo dhanka bidixda ah, taasoo yaraynayso khatarta uu ku imaan karo laabjeexa, iyadoo ay jiraan sidoo kale waxyaabo kale oo fara badan oo lagu yareeyo sida cunidda cuntada oo layareeyo hurdada kahor, amaba la cuno saacado kahor inta aadan jiifanin, sariirta oo dhanka madaxa kor looqaado ama taako lagaliyo, amaba qofka oo isticmaalo barkimo, biyo badan oo lacabo iyo talooyin kale oo badan.
Hadaba diinta islaamka ayaa wax ay qabtaa doorbideysaana in qofka uu u seexdo dhanka midigta ah, oo waxaa lasoo wariyaa in ay tahay SUNNE kasoo arooray Nabigeena NNKH.
Waxaa jirto marar badan in saynisyahana caafimaadka ay soo saareen war bixino iyo talooyin caafimaad kuwaasoo ay kuraaceen talooyin ay horey diinteenu noogu sheegtay, balse qodobkan ayaa waxaa moodaa inay Ku khilaafeen sida diintu sheegtay.
Dr Muse Ahmed