DAAF (RED EYE DISEASE/CONJUCTIVITIS)



Maalmahaan dambe waxaa isasoo taraayay digniino badan oo kadhan ah xanuunka loouaqaano Daafka (Conjuntivitis/ Red Eye Disease) in uu saaid ugu dhexfaafayo magaalada Gaalkacyo, iyadoo la soo warinaayo in uu si xawli ah ugu dhexfaafaayo xaafadaha iyo qoysaska dhexdooda.

Hadaba waxaa ila gudboonaatay inaan diyaariyo qormo gaaban oo wacyi galin ah kana hadlaysa Xanuunkaan waxa uu yahay, sida lagu kala gaado kuna faafo, sida la iskaga ilaasho iyo waliba hadii uu kugu dhaco waxa kula gudboon ee aad samayn lahayd.

Hadaba waa maxay Daaf (Red Eye Disease/Conjuctivitis) maxaase sababa?

Daaf-ku waa caabuq ku dhaca xuubka loo yaqaano “Conjunctiva” ee dahaara isha qaybteeda cad iyo waliba dhanka hoose ee indhodaboolka (maqaarka indhaha daboola), waxaana keena waxyaabo farabadan oo ay ugu horeeyaan ekfashin kudhaca xuubkaas oo ay sababaan ilma aragtayda sida bakteeriyada amaba feeyraska, sidoo kale daafku waxa uu ka dhalan karaa xasaasiyad indhaha ku dhacda haka imaato boor, waqas amaba dawooyinka qaarkood.

Hadaba intaan oo sababood keebaa ugu khatar badan?!
Daafka ka imaada egfashinka uu sababo feeyraska ayaa ah kan ugu khatarta badan maadaama uu sidhakhso ah ugu faafo bulshada dhexdeeda waxa uuna ku kala gudbaa taabashada, wadaagista waxyaabaha khaaska ah ee qofka wajigiisa laleh xiriirka dhow sida ookiyaalaha,shukumaanka, barkimaha iyo waxkasta oo qofka indhihiisa gaari kara hadii uu isticmaalo.

Calaamadaha daafka waxaa kamid ah:

  • Guduud Isha qaybteeda cad ah iyo waliba baalasha indhaha oo dhanka hoose ka guduuta.
  • Ilinta oo badata saaidna noqota.
  • Malax  amaba dheecaan adag oo Jaalle ah oo kusamaysma timaha baalasha indhaha mararka qaarna keena in ay baalashu isku dhagaan aroorta hore marka uu qofku soo tooso taas oo kadhalata in malaxdii ay kuqalasho timaha baalasha xilliga hurdada.
  • Cuncun indhaha ku yimaada.
  • Indhaha oo soo barara.
  • Araga qofka oo caad ama shucaac soo galo.
  • Iftiinka oo dhiba qofka.

Kadib soo muuqashada calaamadaha xanuunka Daafku wuxuu jiri karaa illaa muddo sadex asbuuc ah, faafiddiisuna waxa ay sarreysaa 10-12 maalmood ee ugu horeysa.

Hadii aan soo kobo khataraha ka imaan kara xanuunkaa ayaa ah:
  • Caabuqa oo raaga muddana haaya qofka amaba Caabuqa oo noqda mid soo laalaabta waqtiyo isku dhow taas oo cadayn u ah in qofka uusan xanuunkaan si buuxda uga bogsan.
  • Caabuqa oo faafa gaarana qaybta madoow ee isha isasoo ugu dambeyn keena in nabad kusamayso deedna aragii qofka uu hoos udhac kuyimaado.
  • Caabuqa oo ku faafa lafta kudahaaran isha deedna usii gudba murqaha iyo seedaha ku hareereysan isha ilaa marka udambeysa uu gaaro maskaxda.

 Hadaba sidee ayaad isaga ilaalin kartaa Xanuunka Daafka:

  • Ugu horeen waa inaad tahay qof xog-ogaal ah lana socda waxa ku cusub degaanka uu kusuganyahay haday ahaan lahayd xanuuno dilaacay iwm.
  • Yaree salaanta gacanta ah amaba taabashada xiliyada uu xanuunka Daafka uu deegaanka kudhex faafo.
  • Yaree taabashada amaba marmarinta indhaha hadii aad la kulanto qof qaba xanuunkaan.
  • Iska dhaq gacmahaaga hadii aad lakulanto amaba aad salaanto qof qaba xanuunka Daafka inta aadan wajigaada taaban adigoo isticmaalaayo biyo nadiif ah iyo saabuun.
  • Jooji inaad asxaabtaada ama qoyskaada la wadaagto walxaha khaaska ah sida ookiyaalaha iyo wixii kale oo lamid ah.

Maxaa kula gudboon hadii uu kugu dhaco xanuunkaan?

  • Dhakhso u booqo dhakhtarka khaasatan kan indhaha hadii aad heli karto.
  • Kudhaq indhaha biyo nadiif ah oo diirran aroorta hore markii aad soo kacdid.
  • Joog guriga oo ha tegin goobaha shaqada, waxbarashada iyo meelaha la iskugu imaado.
  • Jooji taabashada dadka kugu dhoow.
  • Jooji oo diid in lagula isticmaalo waxyaabahaaga khaaska ah.
  • Kudadaal inaad meel khaas ah ku xarayso deedna fogayso waxyaabaha aad u isticmaasho inaad indhaha ku nadiifiso markastana kudadaal inaad maro nadiif ah isticmaasho oodan isticmaalin tii hore. 

Ugu dambeyn waa in aad qayb ka noqotaa wacyi galinta bulshada ee kadhan ah faafitaanka xanuunkaan iyo waliba khatartiisa si aad adi iyo qoyskaaduba uga badbaadaan xanuunkaan.


Mahadsanidiin

Dr. Muse Ahmed Ali

Post a Comment

Previous Post Next Post

Contact Form